DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Shibis oo go’aano ka soo saaray Rag dhac iyo dhibaato u geystay shacabka degmada

0

Maamulka Degmada Shibis ayaa sheegay in talaabo sharci ah ay ka qaadayaan Ciidamo ka tirsan Dowlada oo dhac bareer ah ka geystay Xaafado ka mid ah degmada Shacabka.

Gudoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay in ay ka hortagayaan cid walbo oo dooneyso iney dhibaateeyaan shacabka Degmada Shibis.

Waxa uu sheegay in dhawaan ay Taliska Booliiska Soomaaliya ku wareejiyeen Afar Nin oo ka tirsan Ciidanka Booliiska kuwaasi oo shacabka degmada dhac u geysanaayay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-