DHAGEYSO:- Maamulka Ahlu Sunna oo Shaqadii ka Eryay Maamulkii Magaalada Dhuusamareeb

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud islamarkaana hadda Fariisin iu ah Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka iskau Magacaabay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu kala diray Maamulkii Degmada Dhuusamareeb.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha uu Shaqada ka Eryay 14 Xubnood oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii Dhuusamareeb iyo Kuxigeenadiisii.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in Xubnahaan ay gudan waayeen Shaqdii loo Egmaday islamarkaana Wareegto Xilalka looga qaaday.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Maamulka Ahlsunna Waljamaaca laguma sheegin in Maamul Cusub loo sameeyay Magaalada Dhusamareeb iyo in kale.

Dhanka kale qaar kamid ah Xubnihii Xilka laga qaaday ayaa ka horyimid Talaabada Madaxweynaha Ahlusunna Waljamaaca uu Shaqada uga Joojiyey.

Hoos ka Dhageyso Codka:-