DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo furay Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Arbaca ah furay kalfadhiggii Labaad ee Baarlamaanka Jubbland.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey xildhibaannada Baarlamaanka, waxaana kulankaas joogay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xildhibaannada baarlamaanka ugu baaqay in ay la yimaadaan shaqo huffan isla markaana ay ka dhabeeyaan magaca ay wataan oo ah in ay matalayaan shacabka reer Jubbaland.

Madaxweynuhu waxa uu u ka codsaday in meel ay mariyaan xubnaha xukuumadiisa oo dhawaan Baarlamaanka la horgeyn doono si howsha ay u hayaan dowladda iyo shacabka ay u sii wadaan.

Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaanada Baarlamaanka in ay qabtaan shaqooyinka looga baahan yahay si umada ay u aaminaan Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhinaca kale ka hadlay howgallo dhawaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ka sameen doonaan gobolada Jubbooyinka si looga xoreeyo deegaanada fara ku tiriska ay ka joogaan Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-