DEG DEG:- Nin dadka tahriibin jiray oo loo gacan geliyay Ciidanka Talyaaniga

0

Nin Eriteriyaan ah oo la rumeysan yahay in uu xuddun dhexaad u ahaa hawlgalka dadaka looga tahriibinaya qaaradda Afrika oo lagu gaybnayo Yurub ayaa loo gacan geliyay talka Talyaaniga.

Mered Medhanie ayaa bishii May lagu qabtay dalka Suudaan, waxaana talaadadii loo duuliyay magaalada Rome.

Hay’adda qaran ee dambiyada ee dalka Britain ayaa sheegaysa in la rumeysan yahay in ninkan uu soo abaabulay safarka doon bishii Oktoobar ee sanadkii 2013 ku degtay meel u dhow jasiiradda Lampedusa.

Ugu yaraan 359 qof oo muhaajiriin ah oo u badnaa Soomaali iyo Eriteriyaan ayaa ku dhintay shilkaasi.

Wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa ayaa sheegtay in Mered Medhanie lagu soo eedeeyay in uu yahay hoggaamiyaha koox dambiilayaal ah oo ka howlgasha inta u dhaxeysa bartamaha Afrika iyo dalka Liibiya.

Dacwad oogayaasha ayaa ninkani ku eedeeyay in uu maamulayay shabakad weyn oo dadka tahriibisa, isaga oo la shaqeynayay nin Itoobiyaan ah oo aan wali gacanta lagu soo dhigin.

TAHRIIB WADE