Ciidamada Kenya oo wada Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0

Ciidamada Militariga iyo kuwa Booliska Dalka Kenya ayaa bilaabay howlgallo ka dhanka ah Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan Degaano dhaca Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Huwanta ayaa doonaya in Xoogaga Al Shabaab ay ka saaraan Degaanadan la sheegay in ay ku sugan yihiin.

Howlgalladan ayaa yimid kadib markii Xubno ka mid ah Al Shabaab ay Weerar ku qaadeen islamarkaana ay Qarax miino ku dhufteen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo marayay qeybo ka mid ah Magaalada Mandeera ee Waqooyi bari Dalka Kenya.

Weeraradaasi siyaabaha kala duwan uga dhacay Degaano ka tirsan Magaalada Mandeera ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 3 Sarkaal oo ka mid ah Ciidamada Booliska Dalkaasi.

Weeraro u badan Qaraxyo ayaa inta badan ka dhacay Gobolada Dalka Kenya iyadoona xusid mudan in Weeraradaasi qaarkood ay sheegtaan Xarakada Al Shabaab.