XOG:- Kenya Iyo Itoobiya oo Ku Dhaw Inay Ku Dagaallamaan Magaalada Kismaayo

0

Xog muhiim ah oo goor dhaw ay heshay Saxaafada ayaa sheegaysa in cabsi dagaal ay ka taagan tahay magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose, taasi oo u dhaxeysa Kenya iyo Itoobiya.

Dowladahan ayaa maalmahan dambe aad ugu muransanaa maamulka deegannada Jubbaland kadib markii Itoobiya sheegtay in guud ahaan gobolladaasi ay iyada joogeyso.

Kenya ayaa sheegtay in Kismaayo ay iyada Shabaab ka saartay islamarkaana aanay macquul ahayn in si sahlan ay isaga baxdo magaaladaasi waliba iyadoo aan wax talo ah lahayn.

Dowladda Itoobiya ayaa arritan gaarsiisay Midowga Africa sheegtayna in wax walbo oo dhaca ay mas’uul ka tahay dowladda Kenya ama dani ugu jirto in degdeg dib isaga laabato.