War Farxad leh oo laga soo sheegayo Magaalada Riyaad

0

Wargeys ka soo baxa magaalada Riyaad ee caasimad Boqortooyada Sacuudiga  ayaa qoray maanta oo Talaada ah in inta badan Gobolada dalka Hindiya Soonka u bilawday maanta oo Talaado ah ,marka laga reebo dadka degan Gobolkaee  Waqooyiga dalkaasi oo iyagu shalay Isniin aheyd kaw u ahaa Ramadaanka Kariimka oo  inta badan wadamada Dowlada Islaamka u bilowday.

Tirada guud dadka dalka  Hindia oo dhan hal bilyan oo qof ayaa 169 milyan ka mid ay yihiin Muslimiin kuwaasoo Soonka si niyadsan u qaabilay.

Sida ay tilmaamayso dhaqanka iyo caadada soo jireenka ah ee Gobolkaasi Kerala ee waqooyiga dalkaasi waxaa biloga  Soonka Ramadaanka si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa Haweynada ugu da’da weyn ee Gobolkaasi, sidaa darteeda waxaana ku dhawaaqday Gabdh ay dhashay isla markaana wakiilatay Hawenay 92 jir ah, taasoo sida la sheegay sanadahiii tagayna iyadu iclaamisay bilowga Soonka ee Gobolkaasi.

Gabdha ay dhashay Duqda 92 jirka ah ayaa waxa ay ka soo jeedaa qoys Muslim ah oo xukunka looga dambeeyo.

Dhanka kale Gobolka Kalkata oo ay ku nool yihiin 15 milyan qof kuwaasoo  4 milyan ka mid ah ay muslim yihiin, ayaa  iyana shalay  Ramadaanka  si farxad leh ulaa soomay inta badan dalalka islaamka ooay Soomaaliya ku jirto.

Marka laga reebo Gobolka ku yaal Waqooyiga Hidiya Kerala, Gobolada kale ee dalkaasi hidiya waxaa bilshada bisha barakeysan ee Ramadaanka ku dhawaaqayaa guddi ay Dowladu magacawday oo aragtida bisha kadib iclaaminaya Soonka.

Dhaqamada iyo caadooyinka daka dalka Hidiya ku nool ayaa ah kuwa kala duwan oo ay haystaan diimo kala jaad ah,waxxaana  marka ay bilato bisha Soon  Muslimiinta dalkaasi ay aad uga farxaan wajiyadoodana ka muuqataa astaan ay ku qaabilayaan Ramadaanka kariimka oo sanadkiiba mar ay soo marto dunida Islaamka.

Hidiga-2-640x428