WAR DEG DEG:- Gaari dad shacab ay saarnaayeen oo lagu weerary Muqdisho

0

Ugu yaraan 1 Ruux ayaa dhintay, 7 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Ciidamo ka tirsan Militariga DF ay rasaas culus ku fureen Gaari ay la socdeen Dad Shacab ah oo marayay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayaa Ciidamada Dowladda waxey ku rasaaseeyeen sida Dadka Degaanka ay sheegeen Xaafada Jiiro Wacbuudhan ee Isgooyska Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Dhaawacmay qaarkood ayaa la dhigay Isbitaalka Keysaney ee Degmada Kaaraan, sida Agaasimaha Isbitaalka Keysaney, Cali Yuusuf Maxamuud uu  sheegay .

Ciidamadii falkaasi ka dambeeyay ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta isaga baxsaden.

Xiriiro kala duwan aanu la sameeyay Maamulka Degmada Kaaraan ayaa inoo suuro gelin in aan qadka taleefonka ku haleelo si aan wax badan uga ogaano dhacdadan.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Militariga Dowladda Soomaaliya oo ku aadan rasaasta la sheegay in Ciidamada Militariga ay ku huwiyeen Dad Shacab ah.