TOP NEWS:- Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay nin qarax ku weeraray hoyga Gudoomiyaha Degmada Dayniile

0

Ciidanka ammaanka, ayaa xalay gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii sida la sheegay uu bam gacmeyd ku weeraray hoyga Gudoomiyaha Degmada Dayniile ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Ninka la qabtay, ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ku baacsanayeen ciidanka ammaanka, waxaana hadda lagu hayaa goob caafimaad oo aan la sheegin halka ay ku taalo.

Axmed Nuur Cali Siyaad, Gudoomiyaha Degmada Dayniile, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in la soo qabtay ninkii bamka ku soo weeraray hoygiisa.

Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ninkaasi uu ku dhaawacmay rasaas ay ku furayn askarta, ka gadaal markii uu dhegaha ka fureystay in uu is dhiibo.

Gudoomiyaha, ayaa intaa ku daray in ninkaasi ay u fidin doonaan daryeel caafimaad, ka hor inta aanay horkeenin cadaaladda, laguna qaadin sharciga.

Axmed Nuur oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa meesha ka saaray in cidi wax ku noqotay qaraxa lagu weeraray gurigiisa.

Ninka dhaawaca ah ee gacanta lagu dhigay, ayaa waxaa lala xiriirnaya mintidiinta Ururka Al Shabaab, sida uu ka dhawaajiyayba Axmed Nuur.