Madaxweynaha dalka Turkiga oo ka qaybgali doono Aaska loo sameynaayo Maxamed Cali Kalaay

0

Qoyska Marxuum Maxamed Cali Kalaay, ayaa shaaca ka qaaday Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan iyo boqorka Jordan Boqor Cabdallah inay ka qaybgali doonaan, Aaska loo sameyn doono Maxamed Cali Kalaay.

Aaska wuxuu ka dhacayaa dalka Mareykanka, gaar ahaan Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucky maalinta jimcaha ah, sidaasina waxaa iclaamiyay Qoyska Marxuumka.

Munaasabada Aaska Marxuumka ayaa waxaa lagu qaban doonaa Garoonka Kubadda Cagta lagu Ciyaaro oo lagu diyaariyay 22-kun oo Kuraas ah, si dadka ka soo qaybgalaayo Aaska ay ugu fariistaan.

Qaabka aaska uu u dhici doono waxa ay sheegeen Qoyska Kalaay inuu horay u sii shaaciyay Marxuumka geeriyooday oo horay u sheegay in Aaskiisa uu doonaayo inay ka qaybgalaan dad haysta Diimo kala duwan.

Maalinta Khamiista ayaa Salaada Janaasada lagu tukan doonaa Marxuumka, waxaana la sameyn doonaa Munaasabad gaar ah.

Feeryahankii Caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay ayaa u geeriyooday Xanuunka Laleelmada oo muddo badan la xanuunsanaayay.

Masuuliyiinta Munaasabada aaska haddallada ka jeedin doona waxaa ku jira Madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, oo muddo dheer ay saaxiibo ahaayeen Maxamed Cali Kalaay.