DHAGEYSO:- Hillary Clinton oo noqotay musharaxa dimuquraadiga iyo Khudbad Xasaasi ah oo ay jeedisay

0

Hillary Clinton ayaa lagu soo warramayaa inay heshay tirada ergada laga doonayay si ay u noqoto musharaxa xisbiga dimuquraadiga.

Mrs Clinton ayaa hadda noqoneysa musharaxa doorashada November uga qeybgalaya dimuquraadiga.

Tirada ayey ka heshay tiro ay haysay wakaaladda AP, waxaana u wehliyay taageero ay ka heshay ergada gaarka ah.

Ergadaasi waxa ay yihiin kuwa madaxbannaan oo taageero siiyo musharrixii ay doonaan.

Warkan ayaa soo baxay ka hor loolanka lix gobol ka dhicidoona caawa oo Mareykanka ay u tahay maalin.

Goobaha codeynta ay ka dhicidoonto waxaa kamid ah gobolka California.

Kullan olole oo Mrs Clinton ay ku qabatay magaalo ladhoho Long Beach waxay ka sheegtay guul aan caadi ahayn ay tahay.

Laakiin waxay sheegeysaa in weli ay u taallo howl badan oo doorashada ka hor ay qabaneyso.

Bernie Sanders waxa uu sheegay in xilligan ay qalad tahay in tirada codbixiyayaasha lagu daro ergada gaarka ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-