FAAHFAAHIN:- Weerar xalay lagu qaaday ciidanka AMISOM ee ku sugan Shabeellaha Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Shabaab ay xalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka AMISOM ay leeyihiin deegaanka Buufoow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaan oo Shabaabka ay soo qaadeen, ayaa wararka waxa ay sheegayaan ku dhawaad saacad inuu ka socday Saldhiga Deegaanka Buufow ee ciidamada AMISOM, wuxuuna dagaalka ahaa mid xoogan oo dhinacyada rasaas kala duwan isku weydaarsanayeen.

Wali majirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay weeraraka xalay lagu qadaay deegaanka Buufoow ee Shabeelaha Hoose.