DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlada Soomaaliya oo ka hadlay ansixinta Sharciga Xanaanada Xoolaha

0

Wasiirka Wasaarada Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay talaabadii Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ansixiyay sharciga Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka isla markaana howlo badan ay kaga xayirnaayeen Wasaarada.

Sidoo kale Wasiirka xanaanada xoolaha ayaa sheegay in sharcigan meel marintiisa uu kusoo aaday xilli loo baahnaa  iyo in la dhiiri geliyo caafimaadka xoolaha.

Shalay ayay ahayd Markii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliya ay ansixiyeen Sharciga Xanaanada Xoolaha.

Ansixinta sharciga Xanaanada Xoolaha ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli dhawaan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen Heshiis ku saabsanaa iskaashiga caafimaadka xoolaha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-