Ciidamada dowladda oo qabtay Nin falal amni daro sameynayay

0

Ciidamada Amaanka Degmada Deyniile ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin Bambo gacmeed ku tuuray Hoyga Gudoomiyaha Degmada Deyniile Axmed Nuur Cabdi.

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Axmed Nuur Cabdi ayaa sheegay in iyadoo ay u fadhiyaan Xilliga Afrka Magaalada Muqdisho, Bambo gacmeed lagu soo tuuray Ilaalada Guddoomiyaha, kadibna ay ciidamadu ay ninka soo tuuray qabteen.

Dhinaca Kale 3 qof oo shacab ayaa xalay kooxo Bastoolado ku hubeysan ay ku dhaawaceen degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.

Sadaxda Qof ee la dhaawacay ayaa ku sugnaa Makiinad Cajiinka Shiidda oo ku taalla Bartamaha Suuqa Degmada Heliwaa, iyadoo aan la garan Karin sababta loo bartilmaameedsaday.