WAR DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab

0

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Warar hordhac oo ay heshay Wakaaladda Wararka Somaliyeed ee SONNA ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho rasmi ah ku joogi doono Wadanka Kenya, isgoo gaaray Xerada Qaxooti ee ugu wayn dunida ee Dhadhaab. Wuxuuna halkaasi kula kulmay horjoogayaasha Xeradaasi, isagoo aad ugu kuurgalaya xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiin Qaxootiga Somaliyeed ee muddada dheer ku jiray Xeradaasi.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu halkaasi uga sii gudbi doonaa Magaalada Nairobe, halkaasi uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa  Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada Dal iyo go’aanka Dowladda Kenya ku dooneyso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in aanay macquul aheyn in xilligan Dowladda Kenya ay xirto xeryaha qaxootiga, isagoo doonaya in uu Kenya ku qanciyo in ay ka laabato go’aankeeda.