TOP:- Madaxweynaha “Qasab laguma celin karo Qaxootiga Dhadhaab”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery, Guddomiyaha Gobolka Gaarisa iyo  xubno ka tirsan mudanaaysha Baarlamaanka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin qorshe heshiis lagu yahay oo Qaxootiga xeryahan si qasab ah loogu celinayo Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay hadii Qaxootiga la rarayo in ay helaan adeegyada aas aasiga ah ee la midka ah kuwa ay xeryaha Dhadhaab ku heystaan.

Waxa uu sheegay in aysan suuragal aheyn in si qoor qabad ah loo celiyo Qaxootiga Dhadhaab.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay dowladda Kenya, muddaddii dheereyd ee ay marti gelineysay Qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Dhadhaab ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in ay xireyso xeryaha Dhadhaab.