TOOS U DHAGEYSO: Howgal ka dhan ah Shabaab oo ka bilowday gobolka Gedo

0

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa bilaabay howlgal balaaran oo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanada iyo degmooyinka gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in howlgal la bilaabaayo maalmaha soo socda madam cabsi laga qabo in shabaab ay dhibaato geystaan inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee Rammadaan.

Gaanshaanle Dhexe Guhaad Maxamuud Macalin oo sugan gobolka Gedo gaar ahaan degmada Baardheere ayaa sheegay  in ciidanka dowladda Soomaaliya ay qorshaynayaan in ay shabaab ka saaraan deegaanada iyo degmooyink ay Shabaab ka  sugan yihiin gobolka Gedo.

Waxa uu intaas ku daray in la xaqiijiyey guud ahaanba amniga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

HALKAAN KA DHAGEYSO