Muqdisho: Nin Walbo Difaac Ayuu Galay

0

Magaalada Muqdisho waxaa ku dhaqan shacab lagu qiyaasay 3 milyan oo ruux, waxaana dadkaasi badi yihiin kuwo magaalada ku dhashay ama ku barbaaray.

Hadaba magaalada Muqdisho xilligaan la joogo cid walbo oo ku nool waxay gashay difaac xitaa carruurtii qeyb ayeey ka yihiin difaaca la galay, sababtaoo ah qof walbo naftii waa uu jecelyahay.

Maadaama la galay bisha Ramadan shacabka waxay u barteen weeraradii Al-shabaab ay ka geysan jireen magaalada Muqdisho, waana midda keentay in shaqsi walbo difaac galo.

Dadku waxay ka fogaanayaan meelaha ay uga shakiyaan in dhib ka imaan karo iyaga oo danahooda caadiga ah ama shaqooyinkooda kale iska wata.

In difaac la galo danta ayaa dadka u keentay, balse laga yaabo in Ramadankan ka duwanaado kuwii hore ee aynu kasoo gudubnay.