Meydka Maxamed Cali Kalaay oo la geeyay Magaaladii uu ku dhashay iyo Muran weli taagan

0

Maydka Maxamed Cali ayaa la geeyay magaaladii uu ku dhashay ee Louisville, ee Kentucky, halkaas oo Jimcada lagu aasayo.

Naxasha uu ku jiray mooto ayaa looga qaaday eelaboorka oo magaalada lagu dhexmariyay.

Maxamed Cali waxa uu kamid ahaa dadka sida gaarka ah loogu xushmeeyo ciyaaraha waxaana looga soo tacsiyeeyay daafaha caalamka.

Maalintii jimcada ee aan soo dhaafnay ayuu u dhintay xanuun sababay heerka dhiigiisa oo gaaray meeshii ugu hooseysay.

Aaskiisa ayaa la filayaa inuu ka dhoco meel fagaare ah oo dadka oo dhan ay ka qeybgali karaan.