DHAGEYSO:- Wasaarada Waxbarashada oo ka hadashay Imtixaankii laga qaaday Ardayda Dugsiyada Sare ee Dalka

0

Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sidii loogu tala galay uu ku soo dhamaaday Imtixaankii mideysnaa oo ay ka qaaday Ardayda dugsiyada sare sanadkan dhameynaya.

Imtixaaanka ayaa waxaa sanadkaan lagu qaaday 47 Xarumood oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo 13 Xarumood oo ku yaalla gobolada Dalka.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xaamud Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaarada ay ku guuleysatay in ay qaado Imtixaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la dhiira geliyo Ardayda Imtixaanka gashay isla markaana ay wasaarada abaal marin doonto.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xaamud Cali Xasan ayaa Hay’adaha amaanka ee Dowlada ugu mahad celiyay qaabkii wanaagsanaa oo ay u sugeen amniga Xarumaha imtixaankla lagu qaaday.

Sidoo kale Waxaa Warbaahinta la hadlay wasiiro dowlaha wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada C/llaahi Bille Nuur.

Hoos ka Dhageyso Codka:-