DHAGEYSO:- Dowlada Sacuudiga oo taageereysa Qaxootiga Yamen ee ku sugan Soomaaliya

0

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay taageeri doono ku dhawaad 20,000 kun oo qaxootiga isku jira Soomaali iyo yameniyiin kuwaa soo kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen.

$10 million oo dollar ayaa dowladda Sucuudigu waxay soo marsiin doontaa hay’addaha Qaramada Midoobe sida Hay’ada UNHCR iyo sidoo kale  hay’ada socdaalka caalamka ee IOM.

Dowladda Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku dadaali doono sidii loo hormarin lahaa adeegyada caafimaadka iyo sidoo kale waxbarashada dadka ku jira xeryaha magaalada Muqdisho ee ka soo cararay yemen.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay jirto baahi badan oo qabaan dadka qaxootiga ku ah Soomaaliya gaar ahaan dadkii kasoo qaxay dalka Yemen oo gudaha Muqdisho ay ku heysto dhibaatooyinka kala duwan.

Soomaaliya waxaa ku sugan kumanaan qof oo isku jira Soomaali iyo Yemeniyiin kuwasoo ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen,waxaana qaarkood Muqdisho ku heysta dhibaatooyinka kala duwan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-