DEG DEG+SAWIRRO:- Wafdi hor dhac u ah Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Dhadhaab

0

Wafdi hor dhac u ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd gaaray Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo lagu wado in maanta uu gaaro Madaxweynaha Somaliya.

Wafdigaan ayaa kala ah Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Cumar Hadliye iyo Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Cismaan.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu gaaro Xeryaha Dhadhaab halkaasi oo uu soo arki doono xaalada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Somaliyed.

Sidoo kale waxaa Xeryaha Dhadhaab gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arimaha gudaha dalka Kenya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Booqashada Xasan Shekh uu maanta ku tagaayo Dhadhaab, kadib qorshaha wuxuu yahay inuu Nairobi u safro, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalka Kenya.

Kenya ayaa ku adkeysanaysa go’aanka ah inay Xerayso Xeryaha Dhadhaab oo ay ku jiraan Kumanaan Somali ah.