DEG DEG+DHAGEYSO: Dawladda Puntland oo Heegan galisay ciidamadeeda Difaaca oo dhan!

0

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Ahna K/simaha Madaxweynaha Eng Abdixakiim Xaaji Cumar Camey oo la hadlayey warbaahinta dawladda ayaa fariin u diray Shacabka Puntland, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga ee dalka, si loo xaqiijiyo amniga iyo daganaanshaha dalka, loogana hortago falal kasta oo ay geysan karaan kooxaha Argagixisada ah.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa farey ciidamada Amnigu in ay sii labo jibaaraan howlgaladooda aan caadiga aheyn si looga hortago kooxahan oo uu sheegay in ay doonayaan in ay nabadda carqalad galiyaan.

Madaxweyne kuxigeenku wuxuu sheegay in kooxahan laga guuleystay ayna isku dayi karaan falal kasta oo amaan darro in ay sameeyaan, laakiin ay ciidamada dawladdu diyaar u yihiin in ay dhabarka ka jabiyaan.

Dawladda Puntland ayaa kordhisey habeenadii u dambeeyey sugida amaanka magaalooyinka waa weyn, waxaana gudaha magaalada lagu soo daadiyey ciidamada kala duwan oo baaraya gaadiidka iyo dadweynaha magaalooyinka dalka, si loo xaqiijiyo amniga.

HALKAAN KA DHAGEYSO