DEG DEG:- Wariye Caan ah oo la dilay

0

Suxufi rug caddaa Mareykan ah iyo turjumaankiisa u dhashay dalka Afghanistan ayaa axaddii la dilay kadib markii weerar lagu soo qaaday ayaga oo la safraya qaar ka mid ah ciidamada Afghanistan, gobolka Helmand.

Warbaahinta fahdigeedu yaay Mareykanka ee National Public Radio ayaa sheegtay in la dilay David Gilkey oo ahaa suxufi sawir qaade ah iyo turjumaankiisa Zabihullah Tammana.

Laba suxufi oo kale oo baabuurka la saarnaa ayaan wax dhibaato ah gaarin.

Ma jiraan wax faahfaahino intaas dheer oo laga helayo weerarkan oo dhacay axaddii.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry oo ku sugan magaalada Beijing, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay “Weerarkan waxa uu na xusuusinayaa helista weli sii socota oo ay wajahayaan dadka afghanistan”.