TOP DHAGEYSO:- Halka uu ku maqanyahay Maqaamka Muqdisho oo la shaaciyey!!

0

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ahna Xoghayaha Guud ee Xisbi Siyaasadeedka Daljir Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Go’aamadii ka soo baxay Madasha wada-tashig Qaran .

Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in Madaxda ka soo jeeda Muqdisho iyo kuwa Xilalka ka soo qabtay Muqdisho intaba in ay Xaqiraan Xaquuqdii Dadka ku nool Gobolka Banaadir ay ku lahaayeen Nidaamka Federaalka la in kiro.

“Waxaan leeyahay Xaquuqdii Muqdisho in la waayo waxaa Mas’uul ka ah dadka u dhashay Muqdisho ee ka midka ah Madasha Wada-tashiga,Waxaana Xaquuqdii Muqdisho lagu bixiyay Meher waxaana la siiyay Gobolo kale”ayuu yiri AMB. Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa intaa ku daray in Shacabka ku nool Gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay Arrintaasi ka dhiidhiyaan oo ay ku dadaalaan sidii ay Xaqii ay ku lahaayeen Nidaamka Federaalka ay ku heli lahaayeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO