Raila Odinga oo ku baaqay in aan la xirin xeryaha Qaxootiga, Fariina u diray Dowlada Kenya

0

Iyadoo dowladda Kenya ay weli ku adkeysaneyso go’aankeeda ku aadan in dalka Soomaaliya ay dib ugu soo celin doonto Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ayaa Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya ayaa waxa uu dowladda Kenya ugu baaqay in ay joojiso go’aankaas.

Raila Odinga Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya oo ka hadlayay isku soo bax ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegay in xukuumada Kenya looga baahan yahay in ay joojiso dib u celinta Qaxootiga.

Waxa uu sheegay in Kenya ay qaadato go’aankaasi xilli hore laakiin waqtigan ay haboon tahay in ay adkeeyaan amniga Qaxootiga.

Kenya waxa ay go’aan cad ku gaartay in ay xireyso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo muddo 25-sano ah ay deganaayeen Dad Soomaaliyeed oo colaada dalkooda ka taagan ka cararay.