Muran ka dhashay geerida Muxamed Cali Kalaay iyo Siyaasiyiin Caan ah oo isku qabsaday

0

Geerida feeryahankii caanka ahaa ee Muxamed Cali, ayaa dalka Maraykanka ka dhalisay muran siyaasadeed oo u dhexeeya qaar ka mid ah musharraxiinta xisbiyadda dalkaasi.

Donald Trump oo la filayo inuu musharrax madaxweyne u noqdo xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, oo ka tacsiyeeyay geeridii Muxamed Cali, ayaa sheegay inuu ahaa horyaal weyn oo ay dadka oo dhan tebi doonaan.

Balse musharraxa u tartamaya xisbiga Dimoqraadiga, Senatar Bernie Sanders, ayaa Mr Trump ku dhaliilay inuu yahay laba-wajiile.

“Waxaan u sheegayaa dhammaan taageerayaasha Donald Trump ee moodaya in ay sax tahay in ay noo sheegaan jaceylka ay u qabaan Muxamed Cli, balse neceb Muslimiinta, in ay fahmaan in Muxamed Cali uu ahaa Muslim khaalis ah oo Diintiisa si dhab ah u haystay.” ayuu yiri Senatar Bernie Sanders.

Sanadkii lasoo dhaafay Muxamed Cali ayaa cambaareeyay baaq uu jeediyay Mr Trump, oo ahaa in Muslimiinta laga mamnuuco soo gelida Maraykanka.

Aaska marxuumka ayaa Jimcaha ka dhici doona magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, oo ah meeshii uu ku koray xilli uu Mareykanka ka jiray midab takoor ba’an.