Magaalada Muqdisho oo Urur Cusub loogu dhawaaqay iyo Saxafiyiinta Soomaaliya oo ku kala aragti duwanaaday

0

Munaasabad balaaran oo lagu caleemo saaray hogaanka ururka suxufiyiinta gobalka Banaadir ayaa waxaa lagu qabtay hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qaybgalay munaasabadaan suxufiyiin badan kuwaasi oo bogaadiyay hogaanka firfircoon ururka suxufiyiinta gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Gobalka ayaa wxaa loo doortay Axmed Casayr Dhuubow, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Maxamed Axmed Siyaad (Black) iyo gudoomiye ku xigeenka 2-aad oo loo doortay Muna Cumar Geedi.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah xoghaayaha guud ee ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo ka hadlay Munaasabada ayaa wuxuu sheegay inay soo dhowaynayaan ururkaan.

Macalimuu ayaa ku tilmaamay hogaanka ururka suxufiyiinta gobalka banaadir inay yihiin rag firfircoon oo ka soo bixi kara howsha adag ee loo igmaday.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa asna dhankiisa wuxuu bogaadiyay ururkaan, wuxuuna sheegat in raga haatan hogaanka loo doortay ay yihiin dad ay soo wada shaqeeyeen isla markaana uu ku yaqaano shaqo wanaagsan iyo howlkarnimo.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee ururka Suxufiyiinta ee gobalka Banaadir Maxamed Axmed Siyaad (Black) ayaa u mahadceliyay dhamaan ka soo qaybgalayaasha munaasada wuxuuna sheegay in ururkaan loo dhisay in loogu adeego suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha cusub ururka Axmed Casayr Dhuubow ayaa wuxuu balan qaaday in daacad ah ay ugu shaqayn doonaan suxufiyiinta doortay asaga oo sidoo kale sheegay ururkaan inuu ka shaqayndoono horumarinya iyo tabarida wariyaasha magaalada Muqdisho.