DAAWO:- Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Siyaasada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmey Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa guddigan u sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa in haweenka ay goleyaasha qaranka ka helaan qoondada ku xusan dastuurka, ayna la yimaadaan dadaal arinkaasi lagu dhaqan-gelinayo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha guddigaasi ugu baaqey inay sameeyaan wacyigelin, culeys-saar iyo qaab hufan oo matalaadda haweenka la xiriirta, isagoo dhanka kale u xaqiijiyey in madaxda dowladda ay garab taagan yihiin in haweenka qoondadooda ay helaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa isna guddigaasi ka codsadey inay degdeg u hawlgalaan, kana shaqeeyaan nidaamka ugu habboon ee loo dhaqan-gelin karo matalaadda haweenka sida ku cad dasuurka KMG ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulankaasi hadal ka jeedisay Wasiirka Haweenka, Marwo Sahro Maxamed Cali Samantar.

Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa bishii May, 29-keeda lagu aasaasey Xeer Madaxweyne oo nambarkiisu yahay 40, dhaqan-galna noqday isla maalintaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5 6