WAR DEG DEG AH:Faah Faahino ka soo baxaya dilkii loo geystay Wariye ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya

0

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan dil loo geystay Wariye ka tirsan Warbaahinta Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan TV-ga iyo Raadiyaha.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Sagal Salaad Cusmaan, waxayna ahayd Gabar shaqada ku firfircoon oo hoowlkar ah sida ay sheegeen Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta.

Wariyaha ayaa waxaa lagu dilay iridka hore ee jaamacada Plasma ee ku taalla qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

waxaa la sheegay in ay gudaha u geli rabtay Jaamacada Plasma oo la sheegay in ay ka mid ahayd Ardayda Jaamacada gaar ahaan qeybta gelinka dambe.

Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta iyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah ugu tacsiyeeyay geerida ku timid Wariye Sagal Salaad Cusmaan.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen, waxaana la sheegay iney wateen Mooto Bajaaj xilliga ay dilka geysanaayeen.

Alaha u naxariistee Wariye Sagal Salaad Cusmaan ayaa xiliga la dilayay ku guda jirtay waxbarasho, waxa ay hooyo iyo Aabe u aheyd ilmo yar yar oo la dhashay, kadib markii ay geeriyootay hooyadii dhashay.

wariye

 Gabaraaaaa