DHAGEYSO WAREYSI XASAASI:- Axmed Diiriye ‘‘Reer Muqdisho xoog iyo Cudud kuma yara maamul ha sameystaan iyagoon cidna uga heebeysaneynin”

0

Isagoo wareysi siinayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle Nabad Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye  ayaa waxa uu si kulul uga hadlay dhibaato uu ku sheegay in Bulshada Muqdisho xuquuqdooda la duudsiiyay.

Axmed Diiriye ayaa hadal u muuqday kicin dadweyne kula dar daarmay Shacabka degan Magalada Muqdisho kadib markii uu ugu maah maahay in Xayawaanka ugu awood roon yahay Geela isaguna xoogiisa la tuso Aakhiro , inta uu dunida joogana lagu xamaasho isagoon ka dhiidhin.

Sidoo kale Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Midnimada Beelaah Hawiye ayaa ku micneeyay go’aankii Hoggaamiyayaasha Soomaalida ay iskula gaareen Muqdisho uu ahaa mid lagu handaday reer Muqdisho balse sida uu sheegay ay bulshada Muqdisho ku taameyso sida uu hadalka u dhigay Tayo iyo Cudud intaba.

Axmed Diiriye ayaa ku dooday dalka uu leeyahay Caasimadda 1aad, 2aad iyo 3aad marka laga reebo Muqdishana dad si gaar ahaaneed ay maamusheen oo ay ka samesteen maamul iyo nidaam.

Ugu dambeyn Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay reer Muqdisho in ay sameystaan maamul Goboleed sida Gobollada kale ee dalka.

Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA