DEG DEG:- Wadamada qaar ee Islaamka oo ku dhawaaqay in beri ay tahay Ramadaan

0

Iyadoo maalinta beri ah dadka ku nool dunida Islaamka ay rajeynayaan in ay noqoto Ramadaan ayaa wadamada qaar ee Islaamka waxa ay ku dhawaaqeen in maalinta beri ah ay tahay maalin Ramadaan ah.

Wadamada ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay Ramadaan tahay waxaa ka mid ah Turkiga, Sacuudiga, Malaysia, Masar iyo Lubnaan.

Masaajidada qaar ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa loo istaagay salaada Taraawiixda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Bisha Ramadaan laga arkay gobolada qaar ee dalka, waxaana goboladaas ka mid ah Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaanan weli ku dhawaaqin in maalinta beri ah ay tahay Ramadaan.