DAAWO:- Soomaaliya oo looga diyaar gowbayo bisha barakeysan ee Ramadan

0

Somaliya waxaa looga diyaargarowbaya curashada bisha soon qaad oo foodda inagu soo hayso, iyadoo mashquul laga dareemayo suuqyada ku yaala magaalooyinka waawayn ee dalka.

Suuqyada, ayaa xilliga bisha soon qaad waxaa la tilmaamaa in mashquul iyo saxmad badani uu ka jiro, waana bisha ay dadku ugu wax iibsashada badan yihiin.

Bisha barakaysan ee Ramadan waa bisha ugu fadliga badan billaha Islaamka, waxayna dadku soomaan inta ay qoraxdu ka soo baxeyso illaa inta ay ka dhaceyso, muddo 30 maalmood ah.

Ramadanku waxaa uu billaha kale kaga duwan yahay, iyadoo ay bil cibaado tahay, isla-markaana uu Alle laba laabo ajarka iyo xasanaadka ay addoomadiisu ka helayan cibaadadiisa.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Ramadan Ramadan1 Ramadan2 Ramadan3 Ramadan4 Ramadan5 Ramadan6