DAAWO:- Soomaaliya oo guul Taariikhi ah ka soo hoyday Tartanka Kubbada Cagta ee Safaaradaha Dowladaha Afrika ee Imaaraadka Carabta u fadhiya

0

Tartan kubada cagta ah ee  dhexmaray safaaradaha dowladdaha Afrika u jooga dalka Imaaraadka carabta ayaa ka dhacay dalkaasi.

Tartanka ayaa waxa uu bilowday 27-28 bishiii may ee sanadkan 2016, Waxaana Safaarada Soomaaliya ay tartankaasi ka soo hoyday guul Taariikhi ah.

Kooxda safaarada soomaaliya u mataleysay tartanka ayaa waxaa horkacaayay Axmed Dahir “Ahmed Global” oo ah qunsulka Safaarada.

Kulankii Koowaad ayaa Safaarada Soomaaliya waxa ay ka guuleysatay Safaarada jabuuti, Waxaana Ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay 3 iyo 1 o ay soomaaliya guusha ku raacday.

Sidoo kale Safaarada Soomaaliaya ayaa Ciyaartii labaad ee Quarter Final-ka waxa ay ka guuleysatay Seychelles, waxa ayna natiijada Ciyaarta ku soo dhamaatay 6 iyo 1 oo ay Soomaaliya guusha ku raacday.

Sidoo kale Safaarada Soomaaliaya ayaa Wareegii Seddexaad ee Semi Final-ka waxa ay ka guuleysatay Safaarada Tunisia, Waxayna Ciyaarta ku soo dhamaatay 5 iyo 1 oo ay Safaarada Soomaaliya guusha ku raacday.

Gabagabada Tartanka ee Final-ka Waxaa Safaarada Soomaaliya aya ka guuleysatay Dalka Sierra Leone, waxayna Ciyaarta ku dhamaatay 5 iyo 2 oo ay Soomaaliya guusha ku raacday.

Ciyaartooyda Safaarada Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay Koob aad u qurux badan iyo Abaal marino qaali ah.

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa 16 Safaaradood ee ka qeyb galay Tartanka.

1) Somalia

2) Angola

3) Benin

4) Djibouti

5) Ethiopia

6) Kenya

7) Nigeria

8) Senegal

9) Seychelles

10) Sierra Leone

11) Algeria

12)  S/Africa

13) Sudan

14) Swaziland

15) Tanzania

16) Tunisia.
W/D:- Axmed Cabdi Cali

Hoos ka Daawo Sawirada:-

IMG_0468 IMG_0469 IMG_0470 IMG_0473 IMG_0474