TOP NEWS:- Madaxweynaha Puntland oo u duulay dalka Isku Taga Imaaraatka Carabta

0

Madexweynaha maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta u duulay magaalada Dubai ee dalka Isku-taga Imaaraatka carabta.

Madexweynaha maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan duulin  garoonka Boosaaso ,ayaa waxa uu sheegay in casuumaad rasmi ay puntland ka heshay imaaraatka Carabta ,islamarkaana uu kala hadli doono arimo ay ka mid yihiin mashaariicda deegaanada maamulka Puntland ay ka fuliso dowladda Imaaraat Carabta.

Madaxweynaha mar uu ka hadlayey arrimaha shirkii Muqdisho ayuu ku sheegay in uu guul kusoo dhamaaday, Haddana Imaaraatka uu sidaas oo kale kala hadli doono dhinaca Amniga.

Madexweynaha maamulka Puntland ayaa shacabka ugu Baaqay in ay ka qeyb qataan sugida amniga iyo in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Maamulka Puntland.