Dowlada Jabuuti oo Soomaaliya ka taageereyso hormarinta Isgaarsiinta dalka

0

Wasiirka wasaaradda Boostada Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo uu waheliyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Jabuuti ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Wasiirka Geelle ayaa casuumad toos ah ka helay dhiggiisa Mudane Cabdi Yuusuf Suge si ay labada wasaaradood isaga kaashadaan arimo badan oo la xariira hormarka adeegyada Boostada iyo Isgaarsiinta ee labada dal

Waftigu markii uu gaaray garoonka magaalada Jabuuti waxaa soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Yuusuf Suge iyo Agaasimaha Guud ee dalka Jabuuti Mudane Maxamed Casoowe Buux.

Madaxda labada wasaaradood ayaa kawada hadli doona arimo badan oo ay kamid yihiin iskaaashiga dhinaca Boostada iyo Isgaarsiinta labada dal iyo sidii dawladda Jabuuti uga caawin lahayd wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya dhanka tababarada iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha.

Wasiirka iyo agaasimaha ayaa maalinka barito Axadda soo booqan doona Xarunta wasaaradda iyo meelaha laga maamulo Xarigga Internet-ka (Fiber Optic) oogaaraya illaa lix Xarig meesha dalka Soomaaliya uu ka yaalo mid.

Labada wasiir ayaa bishii May la wareegey xilka labada wasaaradood waxuuna safarkani qayb ka yahay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah