DHAGEYSO:- Dowladaha Britain iyo Kenya oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya

0

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain  Phillip Hammond iyo Madaxweynaha Kenya oo kulan ku wada qaatay magaalada Nairobi ayaa ka wada hadlay ammaanka iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday halista Al-shabaab  ay ku hayaan ammaanka Kenya, iyo sida ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan ladagaalankooda.

Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa sheegay in Kenya aysan nabad noqon karin, iyada oo aan  lagu guuleysan xasiloonida Soomaaliya.

“Waxaan ku baaqay in sare loo qaado taageerada caalamiga ah ee wax looga qabanayo nabadda geeska Afrika oo aan daganeen muddo ka badan 20 sano” ayuu yiri Mr Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in loo baahan yahay taageero badan oo xagga maaliyada ah si loo burburiyo Al Shabaab loona xoojiyo ciidamada Dowladda Soomaaliya ka hor inta aysan AMISOM ka bixin Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain  Phillip Hammond ayaa dhankiisa kula taliyay Dowladda Kenya inay sii wado dadaalka lagu soo celiyo nabadda Soomaaliya islamarkaana ay doorkeeda ka qaadato dadaalada socda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid Magaalada Muqdisho toddobaadkii u dambeeyay, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka oo ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-