DEG DEG:- Maleeshiyaad Dad Shacab ah ku dilay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

0

Wararka aan ka heleyno deegaanka Xawaadleey oo u dhow Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaad Hubeysan ay dad rayid ah ku dileen duleedka deegaankaasi.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in ay maleeshiyaadku dileen 4 qof halka ay dhaawaceen qof kale.

Dadka Geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Nin iyo Afadiisa sida uu noo xaqiijiyay mid ka mid ah dadka degan Xawaadleey.

Arrintaan ayaa dabo socoto xiisad beeleedyo indhawaanahaan ka aloosnaa Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Xawaadleey iyo tuulooyin ku dhow dhow.