DEG DEG:- Maamulka G/Banaadir oo gacanta ku dhigay Ragii ka dambeeyay Hoobiyaal lagu tuuray Xarunta AMISOM ee Xalane

0

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah maleeshiyo hubeysan caawa duleedka degmada Dharkenleey kasoo tuuray labo Hoobiye, kuwaas oo aan geeysan wax qasaare ah, kuna dhacay goob kaawada laga qodo oo ka tirsan isla degmada Dharkenleey.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C.faraax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada ay baacsadeen kooxda caawa Hoobiyeyaasha soo tuurtay, kadibna ay u suuragashay in ciidamadu ay soo qabteen mid kamid ah maleeshiyaddkaasi.

“labo Hoobiye ayaa laga soo tuuray meel duleedka degmada Dherkenley ka tirsan, Ciidamada ayaa ka war helay halka ay ka soo dhacayeen, kadib waxa ay ceyrsadeen kooxdii waxa ay soo qabteen mad kamid ah kuwii labada Hoobiye soo riday, mana jiraan wax qasaare ah oo ay geysteen oo waxa ay ku dheceen meel Kaawada laga qodo oo ah dhul bannaan” ayuu yiri Mudane Xalane.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Xoojiyay Sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamo la dhigay daafaha Magaalada, kuwaas oo la soo socda dhaqdhaqaayada dadka soo galaya magaalada Muqdisho Ama ka baxaya.

la soco wixii soo kordha..