DEG DEG:- Hoobiyaal ku soo dhacay Degmada Wadajir ee Muqdisho

0

Wararka laga helayo Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Goor dhaw ay ku soo dhaceen Tiro Hoobiyaal ah oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Degmada ay ku soo dheceen ilaa Saddex Madfac, kuwaas oo Cabsi iyo Qalqal intaba ku abuuray Dadka Degmada kunool.

Hoobiyaasha ayaa la sheegay in ay ku dheceen Xaafadaha u dhaw dhaw Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Weli lama ogo Madaafiicda ku soo dhacday degmadaasi khasaaraha ka dhashay iyo cida wax ku noqotay.