DAAWO:- Shiikh Shariif oo la kulmay Wasiirka Arrimaha dibada Kenya iyo Wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa kula kulmay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Aamino Maxamed iyo Siihayaha safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.

Wadahadalada uu la yeeshay Shariif Shiikh Axmed mas’uuliyiintan ayaa la sheegay in ay ku saabsanaayeen arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowlada Maraykanka u sii wadi lahayd taageerada ay siiso  Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Kenya isagoo hore ula soo kulmay ganacsatada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Wadahadalada uu la yeeshay Shariif Shiikh Axmed Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ayay iskula soo qaadeen arrimaha ku saabsan Soomaalida qaxootiga ah ee ku jirta xerada Dhadhaab taas oo ay dowlada Kenya sheegtay inay xireyso bisha November 2016.

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in lagu wado in Shariif Sheekh Axmed uu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Sample sh 1 sh 2 sh 3 sh 4 sh 5