Daawo Sawirada: Wabiga Baledweyne oo yareeyay Fatahaadii

0

Wabiga Shabelle ee dhexmara Bartamaha Magaalada Baledweyne ayaa yareeyay Fatahaadii dar darta ku socotay ee Biyaha Wabiga ay ku saameeyeen guud ahaan Magaalada Baledweyne.

Sawiro laga soo qaaday Wabiga ayaa muujinaayay  in si caadi ah ay ku soo noqdeen Biyaha Wabiga oo aysan jirin hada wax fatahaad ah uu sameynaayo Wabiga.

Markii hore Biyaha Wabiga oo aad u batay ayaa sabab u noqday inuu qar qarada Dhaafo Wabiga, kadibna uu sameeyo Fatahaad xoogan oo guud ahaan saameyn adag ku yeelatay Magaalada Baledweyne.

Suxufiyiin tagay Wabiga ayaa soo sheegaya in sababta ay u yaraadeen Fatahaada Wabiga ay tahay Roobab xoogan oo ka da’aayay dhulka Itoobiya inay joogsadeen.

Dadka Magaalada Baledweyne oo ku dhibaateysan duleedka Magaaladaasi, ayaa la filayaa hada inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, maadaama fatahaada Wabiga ay yaraatay, islamarkaana Xaafadaha ay yihiin kuwa la soo geli karo.

Shacabka reer Baledweyne ayaa noqday dhibanayaan tan iyo markii fatahaada culus uu Wabiga ka sameeyay Magaaladaasi.

3 4 5 6 7 12 11 10 9 8 dhimasho 2 1 13