WAR DEG DEG:- Maydad ku soo caariyay xeebaha Liibiya

0

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in meydadka tiro muhaajiriin ah ay ku soo caariyeen xeebta dalkaasi, gaar ahaanna meel u dhow magaalada galbeedka ku taala ee Zuwara.

Warar aan la xaqiiji ayaa tirada meydadkaasi ka dhigaya ugu yaraan 85.

Shaqaala ka tirsan hay’ada Bisha Cas ayaa maydadkaasi soo daadgureeyay.

Waxay shegeen in maydadkaasi ay muuqaal ahaan u muuqdaan muhaajiriin ka yimid waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika.

Magaalada Zuwara waa meel ay inta badan ka baxaan doomaha muhaajiriinta ee u socdo Yurub.

Doomahaasi aad ayaa loo buux-dhaafiyaa, marmarka qaarna waxaa dhacdo in doomahasi ay dagaan.