WAR DEG DEG:- Kenya oo ka hadashay dilka Dulyadeyn

0

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay dilka Sheekh Dulyadeyn oo ahaa hogaamiyihii abaabulay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Kenya ayaa horey usheegtay in Dulyadeyn uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen in ka badan 60 ruux, iyadoo xilligaasi wixii ka dambeeyay Kenya ay sheegtay in Madixiisa ay lacag dul dhigtay.

Sargaal uhadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dilka Sheekh Dulyadeyn taasoo Kenya ay walaac badan ka qabtay noloshiisa.

Sarkaalkan ayaa Al-shabaab waxa uu uqaaabilsanaa weerarda ka dhaca gudaha dalka Kenya iyadoo dhowr jeer oo hore weeraro ka dhacay Kenya Mas’uuliyadeeda ay sheegatay Al-shabaab, waxaana dowladda Kenya ay ku eedeysay in uu Madax ka ahaa Dulyadeyn.

Dulyadeyn ayaa dhowaan waxaa meydkiisa lagu soo banhigay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hooe, waxaana soo badnhigay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland kuwaas oo sheegay in ay ku dileen Deegaan 30-KM ujira magaalada Kismaayo.