TOOS U DHAGEYSO+XASAASI:- Dowlada Federaalka oo Ku Dhawaaqday Hadal Carro Geliyay Puntland

0

Wasaaradda amniga DF ayaa sheegtay in si loo sugo amniga meelaha lagu qabanay doorashooyinka in lageyn doono ciidamada DF iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka wasaaraddaasi C/risaaq Maxamed ayaa sheegay in la xoojinayo amniga doorashooyinka, islamarkaana magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan loo daabuli doona ciidamo badan.

Hadaba meelaha doorashooyinka ka dhacayaan waxaa ka mid ah magaalada Garowe oo Puntland maamusha, waxaana maamulkaasi isku arkaa mid ka maarma ciidanka DF iyo kuwa AMISOM.

Waxaa laga yaabaa in arrinkan ay jawaab degdeg ah kasoo bixiso Puntland, maadaama horay u sheegtay in aanay dooneyn askar AMISOM ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO