DEG DEG+DHAGEYSO:- Ilaalada Xildhibaan Dowlada Federaalka ka tirsan oo loo dilay si naxariis daro ah

0

25 Bishii Hore ee May ayaa ciidamo watay gaari waxaa ay qof shacab ah oo watay Mooto Bajaaj ku dileen Isgooyska Shaqaalaha ee Muqdisho kuwaas oo ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen iyagoona lagaran waayey.

Aabaha dhalay Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu Habeenkii la dilay Wiilkiisa habeenkii xiga waxaa uu sheegay in ay wadaan baaris ay ku soo ogaanayaan Cida ay ahaayeen ciidamadii dilka geystay.

Baaritaan iyo dabagal dheer kadib waxaa ay soo ogaadeen sida uu sheegay Abaaha dhala Marxuumka in Askartii Dishay Wiilkiisa ay ahaayeen Ilaalada Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliy.

Waxaa uu intaa ku daray in ay dacwad ka gudbiyeen islamarkaana weli wax natiijo ah aysan faraha ku hayn oo is ka daba wareejin dheer la geliyay.

Ciidamada ilaalada u ah Masuuliyiinta dowlada ayaa waxaa caado u ah in ay rasaas isaga furaan dadka shacabaka xiliyada ay ku kala gooshayaan wadooyinka Hadii ay Mashquul noqoto taas oo sababta dhimasho Ama dhaawac.

HALKAAN KA DHAGEYSO