DAGAALKA LABLABOOWGA IYO WADANIGA SOOMAALIYEED!

0

Dalkeenu waa dal dihin.dadkeenu waa dad islaam ah gabi ahaan tood,waa suni gabi ahaan tood mad hab ahaana waa sheikh shaafici gabi ahaan tood.abwaankii waa kii ku heesay “Diintoodaa islaam ahayd,dugsi ayay laheen jireen ciyaalkay wax bari jireen” diinta waxay soomaaliya timid wax kale daayoo intaysan gaarin madiina!! maxaayeelay asxaabtii nabigu soodiray scw,dhankan Eithiopia waxay ka soo dageen Zaylac sidan taariikhda qaarbaa qoraya.dhanka kale uugu yaraan inagama dheerayn in ay markiiba ina soo gaarto waxa soo gaaray dhanka eithiopia oo aynu isu furayn dhul ahaan.

Waxaan u jeedaa waligeenba islaam baynu ahayn soo jireen ah oo waliba hormuud ah.midabkeenu majiro wax lagu suureeyo oo bashar ah oo koonkan saaran,inagaa illaahay qayb inoo siiyay waxaana layiraahdaa midabka soomaalida ugaarka ah MAARIIN CASAAN GALAY. marjiro cidkale oo inala wadaagta,waa jiraan dad madoow,kuwo cadaan ah kuwo gaduud ah.siin rabi weeye iyo hibo gaar ah,culimada takhasuuska kuleh bidhaanta iyo suurada quruxeed ee adamaha waxay ku gunaanadeen oo kusoo hooriyeen in bidhaan iyo qurux illaah gaar isiiyay soomaali. afrikada kale inalama qabaan,indha yarta hindida iyo reer yurub malaha abuurkaan dheer ee dhuuban ee qorqoran ee leh midab dhex dhexaad ah oo aan ahayn cadaan iyo madaw iyo gaduud midna ee ah maariin casaan galay.

Ayaan daro weeye hadaan is arki wayno oo waxa illaahay inasiiyay arki wayno kuna kalsoonaan wayno kuna faaniwayno kuna shukrin wayno.dhul iyo dadba illaahay waa inoo roonaaday oo dad inaga sare mariyay hadaad waxkasaysaan soomaaliyeey.mawduucii hadaan usoo laabto.

Dagaalada sokeeye intay dhaceen waxaa ina soo dhex galay si aan caadi ahayn,gumaystaha reer galbeed ee mudo dheer ka soo shaqaynayay hoogeena iyo baa ba eena iyo inaynu isdilo,is xasuuqno,kadibna dalkeenu dayacmo oo inta inaga soo harta la adoonsado si sahlan.Tani waxay keentay in hab qabiil laynoo kooxeeyo,laynoo hubeeyo,laynoo kala qaybiyo,marwalbana laynugu kala dhexjiro.shaqo xoogleh ayaa inagu socota.markaynu dagaalanay,waxaa yimid burbur,barkac,cuduro,gaajo iyo macaluul,intani waxay dhashay in dadkii soomaaliyeed aykala shakiyaan qabiilka guud dhexdiisa,jilib jilib,laf laf iyo reer reer ilaa labadii wada dhalatay kala shakiyaan,wiilku aabihii ka shakiyo,hooyadu gabadheeda ka shakiso,walaaluhu kala shakiyaan,saaxiibadu kala shakiyaan iska daa qabiil warkiis.

Shakigani waxa uu keenay in aynu arki wayno,fahmi wayno,garan wayno waxa uu inoo sheegayo wadaniga soomaaliyeed ama midkeena wanaageena katalinya,oo raba dalka iyo diinta in uu difaaco raba in uu sooceliyo sharafkeenii iyo dawlad nimadeenii. raba in aynu ka xorawno dawlad la aanta iyo dhibaatada iyo gumaystaha inagu kala dhexjira. maxaakeenay hadaba in aynu wadanigeena maqli wayno arki wayno raaci wayno u hiilin wayno garab istaagi wayno?

Waxaa keenay gumaystaha reer yurub ayaa dadkeenii ku beeray shaki dhexdooda ah iyo is aamin daro.waa wax lagu bixiyay lacago farabadan iyo maskax oo laga shaqeeyay.waxaa la abuuray madax soomaaliyeed oo ah kuwo siyaasadee iyo kuwo dhaqan oo aadan ku arkayn qowl run ah,ku dilaya,ku dhacaya,ku khaa imaya,nacayb kuu muujinaya,markaa dadkii waa ka aamin baxeen nin siyaasi ah iyo oday dhaqameed maxaa yeelay wax sanba laguma arag wax xun mooyee. in sidaa la noqdana waa wax laga shaqeeyay oo la abuuray.soomaalidu malahaan jirin hogaan dhaqameed beenaale ah,oo dilaa ah,oo khaa in ah,ma lahaan jirin masuul iyo madax sare oo beenaalayaal ah qowl run ahba aan lagu arkayn.waxbaa inoo dhawraa wayn wixii baa la burburiyay.

Waxaana larabaa in halkaa lagu baa basho wadaniga soomaaliyeed oo markuu dalkiisa u kaco ileen dadka oo dhami mawada xuma ee in layiraahdo beenaale cusub baa hadana yimid ee kala caraaray! iyo reer hebal baa naqaysanaya sidii iyadoo dalka dawlad shisheeye ahi ku soo duushay oo qabsanayso in layiraahdo reer hebel baa i qabsan waa wax la beeray.reerba reebuu iska ilaalinayaa waana shakisan yahay.cudurkaan dadku kala shakisan yahay waxaa layiraahdaa LABLABOOW!

buluq

LABLABOOW waxaa dalkeena keenay gumaystaha reer galbeed macnihiisuna waxaa weeye qofka oo waxba aamini waaya kala garan waaya wadankan yaaleh? yaa shisheeye ah yaa sokeeye ah? yaa wadani ah yaa daba dhilif shisheeye ah? yaa aamin ah yaase khaa in ah?yaa u dhashay soomaaliya yaa ajinabi ah oo jooga? maxaa xalaal ah maxaa xaraan ah,maxaa sharaf ah maxaa ceeb ah,qofkoo dhan baa laban oo qasan oo jiho uu raaco iyo jid toona aan lahayn. wax walba ka carara oo u arka in isaga la gaadayo oo la qabsanayo,lablaboowgu kama cararayo wax kastoo xaga ajinabiga ku saabsan waxa uu lablaboow ka qabaa dadkiisa soomaaliyeed oo kaliya.lablaboowgu waxa uu ka qaadayaa qofka isku kalsoonaantii diintiisa iyo dadkiisa iyo dalkiisa uu ku qabay oo dhan buu meesha kasaarayaa.lablaboowgu ma arko dhibta iyo dhagarta shisheeye.waxa u muuqda waalkiis,qabiilada kale ee soomaaliyeed ee walaalihiis ah dalkana la leh.waxani hadaba waa wax la beeray dadkeenii soomaaliyeedna lagu talaalay.

Wadanigii soomaaliyeed garab ma haysto maxaayeelay shacabkii waxaa haya lablaboow.Waxaad arkaysaa raysalwasaare Dr Cumar Dr Abdirashiid sharmaarke oo ah dadka fara kutiriska ah ee nadiifta ah ee soomaaliga ah ee wadaniga ah ee jecel dadkiisa iyo dalkiisa in uu ka xoreeyo dawlad la aanta iyo gumaystaha sidatan ugalay in aanba lagu baraarugsanayn ee laga dhacsanyahayba tanoo ah nasiib daro.maxaayeelay dadkiiba lablaboow bay la wada taahayaan.

Suaal ayaa imanaysa oranaysa lablaboow daawo maleeyahay? jawaabtu waa haa waliba waa dawo aad u dhibyar qiimo badana aan kugu kacaynin oo ah dheh ACUUDU BILAAHI MINA SHAYDAANI RAJIIM,kadibna is fiiri muraayad qaado,waxaa tahay islaam,waxaa tahay soomaali,dalkana adaa iskaleh,soomaalina waa dadkaagii soomaaliyana waa dalkaagii,matihid qabiil iyo daciif iyo daba dhilif reer galbeed waxaadan ahayn sidee laguugu shaabadaynkaraa waxaad ahaydna sidee lagaaga kaxaynkaraa!!?.arag walaalkaa u halgamaya dalkeena taageer oo garab u noqo xoree dalkaaga iyo dadkaaga.arag qiimahaaga iyo sharafkaaga rag rabo in uu ku bahdilo oo dalkaaga kugu guumaysto. raac wadanigaaga hana ka harin soomaali baatahay adaa leh soomaaliya isfiiri. yaatahay see laguugu sheegaa qabiil adoo qaran ah oo soomaali ah!!!

Wakaa daawada lablaboow. illaahay haka saaro dadkeena lablaboowga hana tuso diintooda iyo dalkooda ma ogtahay dalkaaga ood jeclaato iimaankay kamid tahay dalkaaga ood nacdaana ama aad caasisaa iimaan la aantay ka walax tahay.soomaaliyeey walaalayaal sidan maanta nahay iyo dawlad la aantan iyo fool xumadan raganimo maha.dawladeena iyo madaxdeena in adoon lasoo kiraystay inagu kala dhex jiraan oo shacabkeenii laga dhigay xoolo madaxdooda dilaya oo aan dawlad nimo rabin aqoonina waa khalad.in dalkeena lagu soo daad gureeyo shisheeye ciidan ah malaayiin doolar lagu siiyo dhibkay inagu hayaan,inagii dalka lahaana laynaga hor istaago ciidan dawna maha gara maha aqlina maha waa gumaysi cad.waa gumaad cad,waa garbaduub cad,waa dhaxl wareejin cad,waa bahdilid cad,waa dulmi cad,mana yeelayno qaadan mayno duli dalkayaga anagaa leh waana u dhimanaynaa.

cadawnimo heer uu ka gaaray fahma ninka ciidan idiin diiday soomaaliyeey fahma fahma colaada uu inoo qabo fogaanteeda fahma iyo damiciisa daba yaal.cudurkan lablaboow waxa uu ku dhacaa dadka u jilicsan gumaystaha dabadhilifka ah,dhuuni raaca ah,diinta iyo dalkaba dhaafsanaya qado maalin ah,wadaniga aan ahayn,aqliga gaaban,kuma dhaco dadka iimaanka leh,jecl dalkooda iyo dadkooda ah wadani buuxa.wadanigu waa in uu ka daaweeyaa dadkiisa horta lablaboowga kadibna gumaystaha edbiyaa.

Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com