WAR DEG DEG:- Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan kaas oo aan ilaa iminka la’ogeyn cida uu sida rasmiga ah ugu dhaxeeyo.

Balse wararka la helaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in halka la weeraray ay tahay deegaan lagu magacaabo Buushka.

Deegaankaasi waxaa la soo sheegayaa in ay gacanta ku hayeen Mid Kamid ah Beelaha indhawaala ah ku dagaalamayey Gobolkaasi.

ilo wareedyo ayaa inoo sheegaya in Maleeshiyo beeleed halkaa ku sugnaa ay weerareen Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab.