UPDATE:- Shirka horumarinta Beeraha oo lagu soo gaba gabeynayo Beydhabo

0

Shirkan oo ka dhacaya magaalaa Baydhabo ee xarunta gobolk Baay ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirada wasaaradaha beeraha dowlad goboleedyada, xubno matalayey wasaarada beeraha Soomaaliya, qaar kamid ah agaasimayaasha iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha FAO.

Shirka oo ay marti galisay wasaarada beeraha Koonfur Galbeed ayaa inta u soconayo lagu soo bandhigi doonaa qaabka lagu hormarin karo wax soo saarka beeraha iyo caqabadaha heysta wasaaradaha beeraha ee maamulada dalka ka jira, iyada oo gaba gabada shirka la filayo in la soo saaro qorshayaal sahlaya horumarinta beeraha.

Richard trenchard oo  ah wakiilka Qaramida midoobey uqaabilsan cunada iyo beeraha ayaa shirka kutilmaamey mid gabababasiida ay kasoo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan.

“Waxaan rajeynayaa in shirkan ay kasoo baxaan talooyin wax badan kusoo kordhin kara shaqada wasaaradaha beeraha ee maamul goboledyada iyo tan dowlada dhex intaba”ayuu yiri Richard trenchard

Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka Koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in ay tahay Guul usoo hoyatay wasaaradiisa  in ay martagaliso shirkan.