TOP+UPDATE:- Shirka Madasha Qaran oo Muqdisho la soo gaba gabeynayo

0

Waxaa magaalada Muqdisho weli ka soconaya shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo looga hadlayo intiisa badan dhismaha Aqalka Sare oo muran badan uu ka taagan yahay.

Waxaana maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran sidoo kalena wartiyeed laga soo saaro sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qodobada Shirka laga saaraayo ayaa lagu raja weyn yahay in ay ku cad yihiin maqaamka caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo xubnaha ay aqalka sare ku yeelaneyso.

Madexweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Sheegay in maqaamka caasimada lagu qeexaayo shirka hada ka socda Muqdisho .